4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2018
Shir socdaalka ku saabsan oo IGAD uga furmay magaalada Muqdisho

 

Axad,, Feberaayo, 11, 2018 (HOL) - Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlayo arrimaha socdaalka wadamada ku jira Urur gobolleedka IGAD, kaa oo ay ka qeygalayaan xubnaha.

Kulanka oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ayaa waxaa ka qeybgalaya dowladda Federaalka, Wakiilo ka socda maamul goboleedyada, Safiirada dalalka IGAD ku mideysan ee ku sugan Muqdisho, Hey’adda IOM, UNHCR iyo AMISOM.

Dhinacyada Miiska wada fadhiaya ayaa ka arinsanaya sidii muwaadiniinta dalalka ku mideysan IGAD ay si furan oo Viso la’aan ama dal ku gal la’aan isugu gudbi lahaayeen.

Gaba-gabada kulanka ayaa lagu wadaa in ka qeybgalayaashu ku heshiiyaan in muwaadin walba oo u dhashay dalalka ku mideysan IGAD uusan qaxooti ugu noqon laheyn dal kasta oo uu tago ee ka mid ah IGAD, taasoo u ogolaaneysa in uu ka shaqeysan, waxna ka baran karo, isaga loo diiwaangalinayo muwaadinnimadiisa.

Is-afgarad arintaa laga gaaro ayaa ka dhigeya in markii ugu horeysay bulshada ku dhaqan dalalka ku jira Urur gobolleedka IGAD si xor ah isugu gudbin karaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]