4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 11, 2018
Madaxweyne Farmaajo : sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa loo soo magacaabayaa xilalka taliyayaasha bannaan

 

Axad,, Feberaayo, 11, 2018 (HOL) -Iyadoo wali aan la soo magacaabin muddo ka badan saddex bilood xilalka taliyayaasha Nabad-sugida iyo Booliiska, ayuu sheegay in madaxweyne Farmaajo in sida ugu dhaqsiyaha badan dowladdiisu u magacaabi doonoto xilalka taliyayaasha wali bannaan.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay taliyayaasha ku-meel-gaar ah ee Nabad-sugida iyo Booliiska shaqada wanaagsan oo ay Amaanka ka qabteen isaga oo intaa ku darray in dowladdu gacanta ku heyso soo magacabista taliyayaasha cusub.

29kii October ee sanadkii hore ayeey aheyd markii golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya xilalkii ka qaadeen taliyayaashii Nabad-sugida iyo Booliiska Soomaaliyeed, ilaa iyo haddana waxaa howlihii labada talis ciidan si Ku-meel-gaar ah u sii wado ku-xiggeennadii taliyayaasha xilalka laga qaaday.

Taliyihii hore ee hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo mar la weydiiyay sababta uu u maleynayo in wali dowladdu ku dhiiran la'dahay magacaabista xilka taliyaha Nabad-sugida iyo Booliiska ayuu sheegay in ay dhici karta in madaxda dowladda ka fiirsanayaan shaqsiyaadkii ay howshaa ku aamni lahaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]