Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Liibiya oo dalka dib loogu celinayo
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL) – Waxaa soconaya dadaallo
dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay dalka dib ugu soo celiso dhalinyarada
Soomaaliyeed ee ku dhibateysan dalka Liibiya sida uu sheegay danjiraha
Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Faqi.
Danjiraha ayaa warbaahinta u sheegay u sheegay in ay jiraan Soomaali badan oo ku
xiran xabsiyadda dalkaasi.
Fiqi ayaa intaa ku daray in
Soomaalida qaarkood aysan ogoleyn ay kusoo laabtaan gudaha Soomaaliya,
islamarkaana ay doonayaan in ay halkaasi kasii baxaan marka la sii daayo.
Maalmihii lasoo dhaafay ayuu xusay in ay booqdeen xabsi ay ku xiran yihiin
dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaaraya 90, islamarkaana qaarkood ay diideen in ay
ku soo laabtaan Soomaliya.
Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa xoogeystay dhibaatooyinka ay kala
kulmayaan dhalinyaradda Soomaaliyeed dalka Liibiya.
Soomaali badan oo Tahriib ahaan ku tagay dalka Liibiya, kuwaa soo doonaayay
in ay kasii aadaan dalalka Yurub ayaa sanooyin badan ku xiran xabsiyadda dalka
Liibiya, qaarkood ayaa la kulmo jir dil iyo madax-furasho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]