4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 11, 2018
Xaalada degmada Afgooye oo degan kaddib dagaal xalay ka dhacay

 

Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaaladu degan kaddib dagaal culus oo xalay halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay soo weerareen qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ciidamada booliska Afgooye C/qadir Cismaan Nuunow ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay weerareen meel banaanka ka ah degmada.

Al-shabaab ayaa inta badan bartilmaameesaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin degmada Afgooye qeybaha kale ee gobolka Shabeellaha Hoose

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]