Dowladda Dhexe iyo maamul gobolleedyada oo ku heshiiyay qeybsiga Kheyraadka Badda
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL) – Dowladda Federaalka
Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada ayaa markii ugu horeysay ku heshiiyay
Wadaaga Kheyraadka Badda iyo sharciga Kaluumeysiga kaddib kulan ugu soo
dhamaaday magaalada Muqdisho.
Heshiiska ayaa u dhigan sidan :
Annagoo tixgelineyna baahida weyn ee loo qabo ilaalilnta, maareeynta iyo in
si joogta ah looga faaiideysto kheyraadka kalluunka badda.
Annagoo aqoonsan muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha
Xubnaha ka ah Dowladda Federaalku ay heshiis ka gaaraan dakhliga Kalluumeysiga.
Markaan aragnay baahida loo qabo in ilihii dhaqalaha dalka dib loo soo
nooleeyo si ay dowladda ugu suurta-gasho in ay ku fillaato bixinta kharashyada
sugidda amniga iyo dib-u-dhiska waddanka oo ay ugu muhiimsan yahiin dowladaha
Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Markaan aragnay baahida loo qabo in si caddaalad ah oo daahfuran loo maamulo
dakhliga kalluumeysiga.
Markaan aragnay qodobka 52aad ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah oo qeexaaya in
awoodaha iyo dakhliga kheyraadka ay ka wada xaajoonayaan Dowaladda Federaalka
ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda.
Markaan aragnay qodobka 14aad ee Sharciga Kallumeysiga Soomaaliya ee soo
baxay 2014 kuna saabsan rukhsadaha kallumeysiga.
Markaan tixgelinnay danta guud ee Dalka iyo Dadka waxaan ku heshiinay
qodoboda soo socda:
QODOBADA HESHIISKA
Qodobka 1aad
DHINACYADA HESHIISKA
Waxaa heshiiskaan wada gaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda
Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Benaadir
Qodobka 2aad
BIXINTI RUKHSADAHA
a) Bixinta rukhsadaha kalluumeysiga wixii ka sarreeya 24 Nautical Miles ee
Aagga Dhaqaale ee (EEZ) waxaa u xilsaaran Dowladda Feedraalka ah oo ay masuul
uga tahay Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.
b) Bixinta rukhsadaha wixii ku eg 24 nautical miles waxaa u xilsaaraan
Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
c) Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Federaalka waxay
wakiillo ku yeelaneeysa caasimadaha Dowlad Goboleedyada si ay u fududeeyaan soo
gudbinta macluumaadka la xariira bixinta rukhsadaha kalluumeysiga iyadoo la
tixgelinayo habraacyada u degsan rukhsad bixinta waafaqsan Sharciga
Kalluumeysiga Soomaaliya.
d) Qiimaha curaarta ee rukhsad bixinta kallumeysiga waxaa lagu saleynaayaa
nooca kalluunka iyo muddada ruqsadda oo uu codsaduhu soo weydiistay iyadoo la
tixgelinaayo tartanka sayladaha ee qiimaha bixinta rukhsadaha.
e) Habraaca qiimaha rukhsad bixinta iyo macluumaadka codsiga kaluumeysiga
waxaa loo raacaayaa heerka caalamiga ah ee codsiga rukhsadaha kalluumeysiga
(International Standard of Application for Fishing Licences) ee ku lifaaqan
heshiiskan.
Qodobka 3aad
HAYADDA KALLUUMEYSIGA SOMAALIYEED
Waxaa la abuurayaa Hayadda Kallumeysiga Soomaaliyeed (Somali Fisheries
Authority) oo masuul ka ah ilaalinta kalluymeysiga Soomaaliyeed. Hayaddaas
waxaa Guddoominaaya Wasiirka Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Federaalka
waxaana xubna ka ah wasiirada kallumeysiga dowladaha xubinta ka ah Dowladda
Federalka.
Xilka iyo wajibaadka Hayadda Kallummeysiga Soomaaliyeed waxa soo saraya
Guddiga Aminga Qaranka oo ka kooban Madaxweynaha Dowladda Federaalka
Soomaaliya, Raisul Wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha
dawladda xubinta ka dawladda federaalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir.
Qodobka 4aad
KEEYDINTA IYO MAAMULIDDA DAKHLIGA KA SOO XAROODA KALLUUMEYSIGA IYO
KHEEYRAADKA BADDA
Dakhliga ka soo xarooda rukhsadaha kaluumeysiga waxaa lagu keydinayaa xisaab
(Account) gaar ah oo laga furi doono Bangiga Dhexe ee Soomaaliyqa.
Qodobka 5aad
QEEYBSIGA IYO UJEEDDOOYINKA LOO ISTICMAALAYO DAKHLIGA
Qeeybsiga iyo ujeedooyinka isticmaalka dakhliga ka soo xarooda kaluumeysiga
waxaa go’aan ka gaaraaya guddi ka kooban madaxweynaha Dowladda Federaalka,
Raisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah
Dowladda iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyadoo mudnaan gaar ah la siin doono
arrimaha amniga iyo dib-u-dhiska dalka.
Qodobka 6aad
HABKA MAAMULKA XISAABTA
a) Hannaanka maamulka xisaabta dakhliga kalluumeeysiga ee ka furan Bandhiga
Dhexe ee Somaliya waxaa loo racaaya hannaanka maaliyadeed ee dalka u degsan ee
loo yaqaan habmaamulka xisaabaadka (Public Financial Management).
b) Waxaa xisaabta lacag looga saari karaa amarka Guddiga Madaxda fulinta
Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka
Banaadir iyadoo amarka lacag bixinta uu dekreeto ku soo saaraayo Ra'iisal
Wasaaraha Xukuuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
c) Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Federaalka oo u xilsaaran soo xeraynta
dakhliga iyo bixinta kharashaadka, waa in ay si daah furan oo waafaqsan
hab-xisaabeedka Sharciga waafaqsan u maamusho dakliga ka soo xarooda
kalluumeysiga.
d) Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalku waa in ay leeyihiin
Hab-xisaabeedka Maamulka Maaliyadda oo daah-furan.
Qodobka 7aad
WAX KA BEDDELKA HESHIISKA
Heshiiskan wax lagama beddeli karo illaa ay ku heshiiyaan dhinacyada
Heshiiskan.
Qodobka 8aad
MUDDADA HESHIISKA
Heshiiskan waxaa uu dhaqan gal yahay ilaa iyo inta ay Dowladda Federaalka
iyo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir ka gaaraayaan
heshiis dhameeystiran ee qeybsiga dakhliga ka soo xarooda kalluumeysiga.
Qodobka 9aad
DHAQAN GALKA HESHIISKAAN
Heshiiskaan waxa uu dhaqan gelaayaa marka ay wada saxiixaan dhinacyada
heshiiska.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]