4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2018
Hogaamiyaha guud ee Ahlu Sunna oo ku baaqay in la taageero heshiiskii lala galay Galmudug


Sabti , Feberaayo, 10, 2018 (HOL) – Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha ahlu sunna Waljameeca Macalin Max’uud Sheekh Xasan ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Macalin Maxamuud Shiikh Xassan ayaa ka soo laabtay safaro uu muddo dhowr Bilood ah ku soo marayey wadamo dibada ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug uuna ugu horeeyo Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo qeybaha bulshada magaalada Dhuusamareeb ayaa si diiran u soo dhoweeyey wafdigan.

Macalin Max’uud Sheekh Xasan Faarax Guddoomiyaha Guud ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa ka mid ahaa xubnihii gacanta wayn ka gaystay heshiiskii ay ku midoobeen Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Hogaamiyaha Ahlu Sunna ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay bulshada in ay taageeraan heshiiskii lala gaaray Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]