4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2018
Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo ku kulmi doona dalka Jabuuti

 

Sabti , Feberaayo, 10, 2018 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in ay dib u furmayaan wadahadalladii kala dhaxeeyay dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu jiro qoshe shir furitaan u ah ambaqaadka wada hadallada labada dhinac, kaas oo ka dhici doono dalka Jabuuti, ayna isku arki doonaan Muuse Biixi iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kama aysan hadal wada hadalladan uu wasiirku ka dhawaajiyay iyo kulan uu horey u sheegey in isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ay Addis Ababa isku arkeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]