4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2018
Wafdigii ugu horeeyay ee ka socda Somaliland oo gaaray Buuhoodle


Sabti , Feberaayo, 10, 2018 (HOL) - Wefti uu hogaaminayo wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland C/rashiid Ducaale Qanbi ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Buuhoodle xili xiisad siyaasadeed oo dhinacyo badan lihi halkaas ka taagan tahay.

Weftiga Wasiirka oo lagaga hortey degaanka Qorilugud ayaa ah weftigii u horeeyey ee dawlada Cusub ee Muuse Biixi ay u soo dirto degaanka Buuhoodle, waxaana uu Wasiirku kula hadlay dadweyne iyo waxgaradba garoonka kubada Cagta ee Xabado.

Qanbi ayaa waxa uu sheegay in xukuumada uu matalayaa ay u soo jeedo degaanka horumarintiisa, iyo sidii looga shaqayn lahaa nabadaynta bulshada oodwadaagta ah.

"Waxaa iga go'an mar koowaad, mar labaad, mar sadexaad, mar afraad iyo marshanaad in aanan soo raacin cid cid Buuhoodle wax u dhimaysa"ayuu yidhi C/rshiid wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland,

Qaar ka mid ah waxgaradka degaankaas iyo masuuliyiin heer gobol ayaa halkaasi hadalo kala duwan ka soo jeediyey waxaanay si weyn u eedeeyeen maamulka Puntland oo ay sheegeen in ay xarad iyo ciidamayn ka waddo.

Si kastaba ha ahaatee safarka Qanbi ayaa ku soo beegmaya xili hawlo ciidamayn ah ay ka socdaan Buuhoole, taaso oo Puntland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliyeed ay labaduba doonayaan ciidamo sida ila wareedyo degaankaas ku sugani ay xaqiijinayaan.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool