4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2018
Saameyn intee la eg ayuu ku yeeshay dadkii ku tiirsanaa Wabiga Shabeelle oo guray


Sabti , Feberaayo, 10, 2018 (HOL) - Gobalada Hiiraan iyo labada Shabelle ayaa waxaa laga dareemay biyo la’aan ka dhalatay Wabiga oo guray ka dib abaaro is xig xigay oo sanadahii la soo dhaafay ku dhuftay Geeska Afrika.

Wabiga Shabelle oo ka soo burqada dhulka uu joogiisu sareeyo ee dalka Ethiopia ayaan la ogeyn sababta dhabta ah ee biyo la,aanta keentay iyadoo ay jiraan warar sheegaya in saameynta ugu weyn ay tahay abaaraha ku dhuftay gobalka iyo biyo xireeno laga sameeyay degaanada ismaamulka Somalida Ethiopia.

HOL oo booqatay deegaanno ku yaala waqooyiga Baledweyne ayaa la kulantay dadka ku nool Tuulada Leeboow oo biyo la’aan aawgeed Wabiga dhexdiisa qodaya si ay u helaan biyo ay cabaan iskabadaa biyo Beero lagu Waraabiyo.

Waxaan meesha ka baxay gabi ahaan wax yaabahii ay dadka Tuulada ku tiirsanaayeen sida Kaluumeysiga oo dadka qaar kiis nolol maalmeedka ka heli jireen.

Raga,Dumarka iyo Caruurta Wabiga si caadi ah ayeey uga taalbaan labada dhinac waxba kama duwana sida adigoo wado cari maraaya.

Rajada dadka Beeraleyda ayaa hoos u sii dhaceysa qeybtood waxaa ay bilaabeen in ay isaga guuraan tuulooyinkii ay daganaayeen.

Biyo la,aanta ayaa waxaa ay wax yeelo u geysatay dalagyadii xiliga ee baaraha ku dhignaa waxaa dhintay dhamaan geed miroodyada sida Yaanyada Ansalaatada Kabsarta Barbarooni Bagal iyo Karooto.

Maxamed Cismaan Makaraan