Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL) - Diyaarad
nooca dagaalka oo ay leedahay Israa'iil ayaa maanta lagu soo riday Suuriya,
kaddib markii lagu dhuftay gantaal kuwa lidka diyaaradaha ah oo ay ku soo
rideen Milateriga Suuriya.
Saraakiisha Israa'iil ayaa sheegay in
diyaarad dagaal nooceedu yahay F-16 oo howl gal ka waday Bartilmaameedyo ay
Iiraan ku leeyihiin gudaha Suuriya la soo riday, iyadoo labadii duuliye ee
diyaarada saarnaa ay baarashuut kaga boodeen.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn oo
ay leedahay Iiraan ay ku soo xadgudubtay hawada Israel, iyadoo markii dambe la
hor-joogsaday.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa ka jawaabayay tallaabada diyaaradaha aan
duuliyaha laheyn ee ay soo direen Iiraan, waxaana kaddib weeraro ka fuliyeen
gudaha Suuriya.
Telefishinka dowladda Suuriya ayaa xaqiijiyay in militarga dalkaas ay soo
rideen diyaarad dagaal ay leeyihiin Israel oo ku soo xadgudubtay gudaha
dalkaas.
Waa markii u horeysay ee Israel looga soo rido diyaarad dagaal, tan iyo
markii uu bilowday dagaalka ka socda Suuriya oo haatan 7 sano jirsaday.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]