4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2018
Maxkamada ciidamada oo bilaawaday dhageysiga dacwada dilkii Saciid Mariino


Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Sabti ah bilowday dhageysiga kiis dil ah oo ku saabsan dilkii dhawaan magaalada Muqdisho loogu geystay taliye ku xigeenkii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Saciid Aadan Yuusuf Siciid Mariino

Dilka Taliye ku xigeenka ayaa waxaa geystay  G/sare C/naasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya, islamarkaana Saciid Mariino ku dhex dilay xaruntiisa 18-kii bishii la soo dhaafay.

Dhageysiga dacwadda ayaa saakay ka bilaabatay xarunta Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee darajada koowaad.

Dacwadda dilka ah ee loo heysto G/sare C/naasir Xoosh ayaa lagu soo beegay maanta oo ciidamada Badda ay u dabaal degayaan Sanadkii 53-aad ee ka soo wareegatay markii la aas- aasay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugan xarunta maxkamadda kuwaa soo dhageysanaya sidda ay u socota maxkamadeynta eedeysanaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]