4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2018
Weerar lagu qaaday guriga guddoomiyihii hore ee degmada Howl-wadaag

 

Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL) – Weerar loo adeegsaday Bam sababay khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay lagu qaaday Guri guddoomiyihii hore ee degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar.

Debley ayaa la sheegey in ay dhowr Bambaano ku tuuray nawaaxiga guriga uu deganaa Jacfar, waxaana ku dhintay labo qof oo kala ahaa canug yar iyo qof da’ ah, halka qof kalena uu ku dhaawacmay.

C/casiis Xildhibaan oo Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in dadka ay waxyeeladu soo gaartay ay ahaayeen ilmo iyo ayeeyadood oo ka ag dhowaa guriga bambaanada lagu weeraray.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in qaraxa Bam kaddib ay dhaceen rasaas xooggan oo ay rideen ilaalada guriga.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay guriga la weeraray, inkastoo kooxdii Bambooyinka ku weeraray ay ka baxsadeen goobta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]