4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2018
Biyo la'aan soo food saartay dadka ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo labada Shabeelle

 

Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL) –Wabiga Shabeelle oo ah Ilo biyood ay ku tiirsan yihiin Maalyiin ruux oo ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo labada Shabeelle ayaa hadda waxaa soo food saartay biyo la’aan xoog leh kaddib markii uu gabi ahaanba guray Wabiga oo meelaha qaarna isku badal garoon ay kubadda ku dhax cayaaraan caruurta.

Saameyntii ugu xoogeyd ee ka dhalatay biyo la’aanta Wabiga ayaa soo food saartay Kumannaan qoysas ah oo ku dhaqan hareeraha Wabiga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta maamulka heer degmo.

Biyaha hadda laga isticmaalo magaalada iyo heeraheeda ayaa gadiidka Booyadaha waxaa ay ka soo daabulaan deegaanka Ceelgaal Waqooyi uga beegan magaalada Beledweyne, waxaana fuustadii biyaha la kala siisanayaa gudaha magaalada 60 Kun oo shil Soomali ah oo u dhingata $ 2.5 dollar

Lama oga sababta ugu weyn ee  sidan uu ugu biyo yareeynayo Wabiga, balse waxaa jiri tuhun la qabo oo ah in ay jiraan biyo xireeno laga sameeyay deegaannada dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo qulqulkii biyaha ka weeceyay dhulka uu ka maro gudaha dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]