4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2018
Gurmad lagu badbaadinayo Doon dhawaan ku caariday xeebta degmada Boosaaso oo socda

 

Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconaya gurmad xoogan oo lagu badbaadinayo hantida saaran Doon dhawaan ku caariday xeebta, kaddib markii sida la sheegay leyska hortaagay in ay ku xirato dekedda.

Gurmadkan ayaa sababay in deked macmal ah laga sameeyo halka ay doonta ka soo caariday, waxaana la bilaabay dhismaha wax u muuqaal eg deked laakiin ujeedadu tahay in laga soo dajiyo shixnada saaran doonta.

‘’Waxaa soconaya dadaallo runtii xoog leh, waxaa noogu muhiimsan in deked macmal ah aan sameyno si aan doonta u gaarno halka ay fadhido’’ ayuu yiri Sheekh Fu’aad Max’uud Xaaji.

Sheekh ayaa sheegay in dhismaha dekedda macmalka ah ay ka shaqeynayaan 15 gaari oo nooca Soomaalidu u taqaan “Iska-rogada” kuwaasoo soo guraya dhagax yo carro laga buuxinayo halka laga samaynayo marsada cusub.

Doonta ayaa waxaa saaran hanti lagu qiyaasay $7malyan Dollar,waxaana hantida leh ganacsato Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]