Sabti,
Feberaayo, 10, 2018 (HOL) – Dowladda Suuriya ayaa ku dhawaaqday in ay
hakisay duqeymihii ay ka waday goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha Mucaaradka ah
ee dowladda kasoo horjeedda.
Dowladda ayaa Shan maalmooda duqaymo ka waday
bariga magaalada Ghouta oo u dhaw caasimada Suuriya ee Dimishiq.
Ghouta oo ay mucaaradka haystaan ayaa la go’doomiyay, waxaana
gabaabsi ah cunnada ,biyaha iyo daawooyiinka, iyadoo ay hay’adda Qaramada
Midoobey ku baaqeen in duqeynta la joojiyo.
Joojintaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan baaqyada ku aadan
in dagaalka la soo afjaro.
Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 200 oo qof ayaa ku dhintay intii ay duqaymaha
dowladda socdeen.
Faransiiska ayaa ugu baaqay Ruushka oo taageera dowladda Assad in ay
xukuumadda Dimishiq ugu baaqaan in ay joojiso tillaabooyiinka ay wado.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]