4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2018
Maraykanka oo Cuna-qabateyn Saaray Saddex Shirkadood oo mid ka mid ah Soomaali leedahay

 

Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL) - Xukuumadda Washington ayaa ku dhawaaqday in ay cunaqabateeyn saartay Shiraddo lagu eedeeyay in ay taageeraan Kooxda dowladda Islaamka ee Daaciish.

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay seddex qof iyo seddex shirkadood oo lagu eedeynayo inay taageeraan kooxda isku magacowdey Dowladda Islaamiga ah ee ISIS.

Shirkadahan iyo dadkaan oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Filibbiin iyo Turkey, ayaa lagu eedeyay in uu xiriir ganacsi dhex maray kooxda iyo iyaga.

Mareykanka, ayaa xannibaad dhaqaale ku soo rogey, Maxamed Mire Cali Yuusuf, iyo shirkadihiisa Liibaan Trading iyo Al Mutafaq Commercial Company, sababtoo ah ayaa lagu sheegay doorkiisa ku aaddan taageerada ISIS ee Soomaaliya.

Waaxda lacagaha Mareykanka, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay cuna-qabateyn ku soo rogtay Abdulpatta Escalon Abubakar, oo lagu eedeyay in uu dhaqaale iyo agabba ugu deeqay kooxda ISIS ee dalka Filibbiin.

Waxaa sidoo kale cuna-qabateyn lagu soo rogey Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Profesyoneller Elektronik ee fadhigeedu yahay Turkiga, kaas oo lagu eedeyay in uu qeybo ka mid ah diyaradaha iswada uu u fududeeyay ISIS.

Laakiin warkan waxaa ku gacan saeyray oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Milkiilaha shirkadda Al-Mutafaq Coomercial Company oo la hadlay Idaacada VOA, isaga oo sheegay in warkaasi yahay mid been abuur ah oo dad gacansigiisa aan ku faraxsaneyn ay ka faa’fiyeen.

‘’Magaca lagu sheegay Warbixinta waa mid qalad ah Anniga leyma dhaho Maxamed Mire Cali Yuusuf, Magaceyga rasmiga ah waa Maxamed Mire Cali Maxamed Hugato, waa xog qaldan oo dad si qalad ah warbaahinta loogu ayuu yiri ganacsadaha.

Waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay baaritaan kasta oo lagu sameynayo eedeymaha loo soo jeediyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]