3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2018
Cabdiwali Gaas oo kulan ku martiqaaday golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada

 

Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku casuumay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada inay shir ka dhici doona magaalada Garowe 20-ka bisha Maarso ee soo socoto.

Qoraal ka soo baxay Madaxweynaha Puntland ayaa loo kala diray Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Kulanka ayaa looga wada hadli doonaa arrimo quseeya danaha dowlad goboleedyada iyo guud ahaan kuwa dalka kaga aadan Golaha.

Shirkii u horeeyay ee lagu dhisay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka dhacay bishii October ee sanadkii 2017 magaalada Kismaayo, xilligaasoo ay soo saareen war murtiyeed ku aadan xaalada dalka iyo khilaafkii dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay madaxweynaha Puntland :

 

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]













Click here
2/10/2018 2:24 PM EST
Sabti , Feberaayo, 10, 2018 (HOL) – Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha ahlu sunna Waljameeca Macalin Max’uud Sheekh Xasan ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

2/10/2018 1:51 PM EST
Sabti , Feberaayo, 10, 2018 (HOL) – Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen siyaasiyiin, xildhibaanno hore, odayaal waxgarad, haween iyo dhalinyaro ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha dega dowlad gobolleedka Jubbaland, ayaa looga wada hadlay mustaqbalka iyo Aayaha deegaannada hoostaga Jubbaland , iyaga oo dhinaca kale dalbaday isbadal dhinaca maamulka ah.

2/10/2018 1:17 PM EST
Sabti , Feberaayo, 10, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in ay dib u furmayaan wadahadalladii kala dhaxeeyay dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

2/10/2018 10:51 AM EST
Sabti , Feberaayo, 10, 2018 (HOL)- Wefti uu hogaaminayo wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland C/rashiid Ducaale Qanbi ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Buuhoodle xili xiisad siyaasadeed oo dhinacyo badan lihi halkaas ka taagan tahay.

2/10/2018 10:32 AM EST
Sabti , Feberaayo, 10, 2018 (HOL) - Gobalada Hiiraan iyo labada Shabelle ayaa waxaa laga dareemay biyo la’aan ka dhalatay Wabiga oo guray ka dib abaaro is xig xigay oo sanadahii la soo dhaafay ku dhuftay Geeska Afrika.

2/10/2018 8:49 AM EST
Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa guddi baaritaan u saaray kiiska dad barakacayaal ah oo dhammaadkii sanadkii tagey xoog looga saaray dhul ay deganaayeen.

2/10/2018 8:42 AM EST
Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL)-Diyaarad nooca dagaalka oo ay leedahay Israa'iil ayaa maanta lagu soo riday Suuriya, kaddib markii lagu dhuftay gantaal kuwa lidka diyaaradaha ah oo ay ku soo rideen Milateriga Suuriya.

2/10/2018 4:14 AM EST
Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Sabti ah bilowday dhageysiga kiis dil ah oo ku saabsan dilkii dhawaan magaalada Muqdisho loogu geystay taliye ku xigeenkii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Saciid Aadan Yuusuf Siciid Mariino

2/10/2018 3:59 AM EST
Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL)-David Sorensen oo ah Xubin kale oo sare oo ka tirsan Aqalka cad ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay kadib markii loo soo jeediyay eedeeymo la xiriiray tacadiyo uu u gaystay xaaskiisii hore.

2/10/2018 12:56 AM EST
Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL)–Weerar loo adeegsaday Bam sababay khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay lagu qaaday Guri guddoomiyihii hore ee degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar.

2/10/2018 12:19 AM EST
Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL) –Wabiga Shabeelle oo ah Ilo biyood ay ku tiirsan yihiin Maalyiin ruux oo ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo labada Shabeelle ayaa hadda waxaa soo food saartay biyo la’aan xoog leh kaddib markii uu gabi ahaanba guray Wabiga oo meelaha qaarna isku badal garoon ay kubadda ku dhax cayaaraan caruurta.

2/10/2018 12:14 AM EST
Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconaya gurmad xoogan oo lagu badbaadinayo hantida saaran Doon dhawaan ku caariday xeebta, kaddib markii sida la sheegay leyska hortaagay in ay ku xirato dekedda.

2/10/2018 12:10 AM EST
Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL)–Dowladda Suuriya ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay duqeymihii ay ka waday goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha Mucaaradka ah ee dowladda kasoo horjeedda.

2/10/2018 12:06 AM EST
Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL)-Xukuumadda Washington ayaa ku dhawaaqday in ay cunaqabateeyn saartay Shiraddo lagu eedeeyay in ay taageeraan Kooxda dowladda Islaamka ee Daaciish.