4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 9 , 2018
Muudey : Guddoomiye Mursal ma qaban karo mooshin ka dhan ah Madaxweynaha

Axad, December,09, 2018 (HOL)-  Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo ku-xigeenka labaad oo goor dhow shir jaraa'id oo wadajir ah ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka soo horjeestay mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyaha Baarlamaanka uu maanta aqbalay.

Guddoomiye ku-xigeenka  koowaad ee Baarlamaanka,Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa wariyayaasha u sheegay in uusan guddoomiyaha Baarlamaanka qaban karin Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya,isagoo ku macneeyay sababta aan laga keeni karin mooshin Madaxweynaha in aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah.

Waxa uu inta ku daray inuusan waxba kala socon mooshin laga soo gudbiyay madaxweynaha ee galinkii dambe ee maanta ay warbaahinta baahisay inuu aqblay guddoomiyaha golaha shacabka.

"Mooshinka waa mid aan waxba ka jirin, waxaana guddoomiyaha ka keennay inuu qabto xanaaq ayaan oran karaa ... waxaan u sheegaya inan dalkan lagu maamulli karin xanaaq". ayuu yiri Muudey.

"Waxaan ka warsugeynaa halka la geyn doono mooshinka". ayuu raaciyay hadalkiisa.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka,Mahad Cabdalla Cawad ayaa dhankiisa ku tilmaamay mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo inuu yahay mid aan sharci ahayn.

Dadka fallanqeeya siyaasada ayaa u arka arrintan inay billow u noqon karto qalalaase siyaasadeed oo aan la hubin halka uu ku dambeyn doono,iyadoo mar horaba laga digayo inay xiisadan sii dheerato,taas oo la sheegay inay dhib ku tahay ballan-qaadkii maamulka madaxweyne Farmaajo iyo dadaallada lagu raadinayo isbedelka Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]