4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 9 , 2018
Yaasiin Cabdisamad: Gaalkacyo waxaan la dooneyna muuqaalka ay maanta tahay mid ka duwan

Axad. December,09, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha cusub ee degmada Gaalkacyo, Yaasiin Cabdisamad Cumar oo dhawaan xilka la wareegay ayaa sheegay maamulkiisa cusub inuu dadaal ku bixinnayo sidii ay u beddeli lahaayeen muuqaalka magaalada Gaalkacyo.

"Waxa ugu weyn ee xilkan aan u qabtay ayaa ah magaaladan siddii ay u yeelan lahayd muuqaalka maanta mid ka duwan". ayuu yiri Yaasiin Cabdi oo la hadlay HOL.

"Magaalada hadda way isku raseysan tahay, waxayna u baahantahay olole weyn oo dib loogu hagaajinayo laguna muujinnayo muhiimada ay leedahay Gaalkacyo". ayuu ku daray.

Duqa degmada, ayaa markii uu xilka la wareegay waxa uu billaabay inuu kulamo la qaato qaybaha bulshada ,isagoo kormeer ku soo maray qaybo magaalada ka imida,waxaana kormeerkiisa kaddib uu magacaabay guddiga xog-aruurinta iyo dib-u-eegista degmada Gaalkacyo, kuwaas oo ka tala-bixinnaya horumarinta degmada,iyagoo diiradda saaraya "waxa Gaalkacyo u saxan iyo waxa ka qaldan",waxaana meesha laga amba-qaadaya waxyaabaha saxan in la dardargaliyo ,dibna loo saxo waxaayabaha u baahan toosinta,sida u sheegay.

"Labada galin ayuu xafiiska hadda si joogta ah u shaqeeya ,taas waxaan ka dooneyna in dadka Gaalkacyo ay arkaan sida uu maamulka diyaar ugu yahay inuu u shaqeeyo... waxaana tagnay meelo ay dadku noo sheegeen horrey inuusan maamulka u gaarin". ayuu yiri Yaasiin Cabdisamad, guddoomiyaha degmada Gaalkacyo.

Waxa uu ka dalbaday bulshada Gaalkacyo inay la shaqeeyaan maamulkiisa cusub " Waxaan diyaar u nahay inan shaqeyno oo xaqiinna aad ka heshaan, dhankiinana waxaa laga rabaa xaquuqda ay dowladda idin ku leedahay ".

Maamulka cusub, ayaa xilli horaba billaabay olole nadaafadeed iyo sidii loo hagaajin lahaa goobaha ganacasiga magaalada,iyadoo guddoomiyaha degmada uu la kulmay ganacsatada iyo xubno ka mid ah guddiyada xaafadaha.

"Kaliya hadda waxaan diiradda saaraya horumarinta iyo nabadgalyada degmada iyo in is beddel uu ku yimaado magaalada muuqaalkeeda". ayuu raaciyay hadalkiisa.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa 17-kii bishii November si kumeelgaar ah ugu magacaabay guddoomiyaha degmada Gaalkacyo, Nabadoon Yaasiin Cabdisamad.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]