4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 9 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga Danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Norwey

Axad, December, 09, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Norwey u fadhin doonta Soomaaliya ,Elin Bargithe Rognlie.

Madaxweyne Farmaajo  iyo safiirku cusub ee dalka Norwey ,ayaa ka wada-hadlay sidii xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Norwey loo sii xoojin lahaa, sida u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo goobjoog u ahaa kulanka uu madaxweynaha safiirka uga guddoomay waraaqaha aqoonsiga.

Wasiir Cawad ,ayaa sheegay in dalka Norwey uu yahay dalalka ugu taageerada badan saaxiib dhowna la ah Soomaaliya,iyadoo oo u sheegay in dowladda Norwey madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo shacabka Soomaaliyeed si aad ah ugu ammaaneen horumarka dhan kasta ah ee uu dalka gaaray.

Ugu dambeyntii, Safiirka cusub ee Norwey, Danjire Elin Bargithe Rognlie ayaa sheegtay inay sii laba laabi doonta adkeynta xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Norway.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]