4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 9 , 2018
Ra’iisul wasare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Amniga ee ka furmay Jordan

Axad. December,09, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka ah ee  Soomaaliya,  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ku sugan dalka Jordan ayaa ka qayb gelaya shir looga hadlayo dagaalka loogu jiro yareynta ficillada argagaxisada iyo fikirka xagjirka ah.

Kulanka oo lagu qabanayo  magaalada xeebta ku taalla ee Aqaba ayaa qeyb ka ah kulamo caalami ah oo looga tashado iskaashiga amniga iyo gaashaandhigga, is-dhaafsiga khibradaha ee bahwadaagta heer gobal iyo heer caalami si loo xoojiyo dadaallada lagu wiiqayo xagjirnimada.

Kulanka Aqaba ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa sidii dhaqaale ahaan, ciidan ahaan iyo fikir ahaanba looga hor-tegi lahaa ficillada abaabulan ee kooxuhu ka gaystaan caalamka oo dhan.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa shirka ku metelaya Madaxwaynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka oo lagu casuumay in midkooda ka qayb galo hase yeeshee ay uga baaqdeen hawla kale oo muhiim ah.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga gudaha iyo saraakiil kale ayaa qayb ka ah wafdiga uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ,Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar),iyadoo ra'iisul wasaare ku xigeenka uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doona mas’uuliyiinta kasoo qayb galay shirka Aqaba.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]