4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 9 , 2018
Musharrax Asad Cismaan: Waa dareen gaar ah oo ka turjumaya rabitaanka shacabka sidda Garoowe na-loogu soo dhaweeyay

Axad. December,09, 2018 (HOL)- Musharraxa xilka madaxweynaha Puntland, doorashada horraanka sannadka 2019-ka, mudane Asad Cismaan Cabdullaahi oo socdaal ku maraya gobollada Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

" Halkan waxaan ku aragnay wax aan horay uga dhicin.. Dadweynaha reer Garoowe waad na-sharafteen, waxaad muujiseen rabitaankiina iyo jaceylka aad u qabtaan Puntland." ayuu yiri Musharrax Asad Cismaan oo boqollaal ruux kula hadlay barxadda bartamaha ee magaalada Garoowe, kuwaas oo isugu soo baxay bannaanka magaalada illaa barxadda bartamaha.

Musharrax xafiiska madaxweynaha mudane, Asad Cismaan ayaa sidoo kale uga mahadceliyay shacabka caasimadda sida wanagsan ee ay usoo dhaweeyeen, waxa uu sheegay inuu maalmo sii joogi doona oo u la kulmi doono qaybaha bulshada ee magaalada Garoowe.

Kaliya dadweynaha soo dhaweeyay wafdiga musharrax Asad Cismaan, kuma harin bannaanka magaalada ilaa barxadda,waxaa la arkayay boqollaal dadweynaha ah oo isugu tagay guriga uu magaalada Garoowe ka degganyahay musharrax, kuwaas oo ka mid ahaa taageerrayaasha musharraxa,iyagoo ku qaylinayay erayo ay ku soo dhaweynayaan musharraxa, sidoo kale waxaa ay siteen boorar ay ku qoronyihiin erayo ay ku taageerrayaan musharraxa.

Musharrax Asad ,oo gurigiisa dadweynaha kula hadlay, waxa uu yiri "Reer Garoowe waa la idiinku yaqaannay soo dhaweynta qiimaha leh iyo dowlad jacaylka, aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin, aad baan u faraxsannahay idiinma abaal gudi karo laakiin Illaahay baa idiin abaal gudi".

Mudane Asad Cismaan iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa subaxnimadii hore ee saakay ka soo ambabaxay magaalada Qardho wuxuu soo maray tuullooyinka qaar oo uu salaan iyo gacan qaad la dhex maray taageerrayaasha ku teedsanaa waddada dheer ee laamiga ah ka hor inta uu san gaarin degmada Dangoroyo, halkaasi oo khudbad gaaban uu u  jeediyay dad waynihii sida wayn ugu soo baxay soo dhowayntiisa.

Musharrax Asad Cismaan Cabdullaahi oo kowdii bishan December kaga dhawaaqay magaalada Boosaaso inuu u tartamayo xilka madaxweynaha Puntland ayaa socdaal ku soo maray degmooyinka Baran, Ufayn, Carmo,Waaciye, Dhahar, Qardho iyo magaalooyin kale oo ku teedsanaa waddada laamiga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]