4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 9 , 2018
Qarax lala eegtay gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda oo ka dhacay dulleedka Muqdisho

 

Axad, December, 09, 2018 (HOL)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo marayay dulleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu waramayaa in uu ahaa miino dhulka lagu aasay  oo lala eegtay  gaari ay wateyn qaar ka mid ah ciidamada dowladda, waxaana goobta ku geeriyooday sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa ilaa saddex askari oo saarnaa gaarigaasi halka labo ruux kale oo goobta ka agdhawaanna ku dhaawacmeen.

Meydadka askarta ayaa la sheegay in ay goobta ka qaadeen isla ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaa ka bilaabay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo.

Al-shabaab ayaa waayadii ugu danbeeyay kordhiyay qaraxyada iyo dilalka lagu bartilmaameedsado saraakiisha dowladda, ciidamada iyo mas'uuliyiinta ka tirsan hay;addaha kala duwan ee dowladda federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]