4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 9 , 2018
Carwaddii sideedaad ee Ganacsi oo maanta laga furey magaalada Hargeysa


Axad, December, 09, 2018 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta  ayaa Xadhigga ka jaray bandhigga Carwadii siddeedaad ee Somaliland oo laga daah-furay magaalada Hargeysa.

Carwadan oo ay soo qaban qaabisay Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa sannadkiiba hal mar laqabta, isla markaana ay kasoo qayb-galaan ganacsatada badeecadaha kala duwan dibadda ka keentay iyo kuwa wershadaha wax soo saar dalka ku leh.

Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Somaliland, Maxamed Shugri, ayaa ugu horrayn sharraxay muhiimadda ay carwadani u leedahay bulshada iyo sida ay fursadda ugu tahay ganacsatada iyo macaamiishooda kala duwan, waxana uu ganacsatada ku boorriyey inay madasha keenaan waxyaabo soo jiidan kara macaamiisha, islamarkaana qiimahoodu macquul yahay.

Wasiirka Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Somaliland, Mr: Maxamed Xasan Sacad (Saajin), maayarka caasimadda Hargeysa, Mr: Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Mr: Jaamac Xaaji Axmed iyo xubno ku hadlayey ganacsatada waaweyn ee Somaliland oo madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sharraxay faa’iidada ay guud ahaanba bulshada reer Somaliland u leedahay furitaanka carwadani oo lagu soo bandhigayo wax soo saarka kala duwan ee dalka gudihiisa ka soo baxa, adeegyada shirkadaha qaarkood muwaadiniintooda u qabtaan iyo weliba waxyaabaha kala duwan ee ganacsatadu dibadda kasoo waariddo.

“Horumarka dalka saddex qodob baa tiirar u ah, mid waa dhaqaale, midna waa aqoon, midina waa hoggaamin. Haddii aynnu saddexdaas tiir isla helno oo ay isla jaanqaadaan faqriga iyo baryadaba weynnu ka baxaynaa.”ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo ka hadlayey munaasibadda.

Waxaanu intaas ku daray “Fursadda ay maanta Somaliland haysato labada sano ee soo socda, waa fursad haddii ay ina seegto si loo heli doono aynnaan garanaynin, iyada oo aan la ina ictiraafsanayn oo weliba qolo aynnu beri dawlad wada lahaan jirney inoo hanjabayso oo ay meel walba inagala dagaallamayso, haddana Ilaahay wuxuu qaddaray maanta in caalamku Somaliland usoo jeedo, cid kasta Bari iyo Galbeed wax Allah iyo wixii lacag lahaa maanta way inoo soo jeedaan, haddaynaan ganacsatadeedan, aqoonyahankeenna iyo dawladdeennu arrintaas ka faa’iidayn taariikhdu ina saamixi maysa’e ogaada inteenna maanta xilka haysaay, annaguna xaggayaga diyaar baannu ka nahay.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.