4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 9 , 2018
Ganacsade lagu dilay hoygiisa magaalada Muqdisho iyo gabadhiisa oo la dhaawacay

 

Axad, December, 09, 2018 (HOL)-Koox ku hubeysneyd bastoolado ayaa lagu waramayaa in ay hoygiisa ku dileen magaalada Muqdisho ganacsade lagu magacaabi jiray Cabdi Cismaan Afrax (Cabdi Biifane)

Gaar ahaan toogashada ayaa ka dhacday Ex Koontarool Afgooye oo uu deganaa ganacsadaha waxaana sidoo kale kooxda weerarka geysatay la sheegay in ay dhaawaceen gabadh uu dhalay marxuumka.

Dadka aqoonta u lahaa marxuumka ayaa u sheegay warbaahinta in uu ka mid ahaa ganacsatada soo dajisa gawaarrida lamana oga sababta keentay in kooxahan bartilmaameedsadaan iyaga oo horay u sii kaxeystay sida la sheegay gaari uu lahaa.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa tagay halka uu falka ka dhacay hasse ahaatee kuma aysan guuleysan in ay gacanta ku dhigaan kuwii ka danbeeyay dilka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]