4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 9 , 2018
Madaxda wadamada Khaliijka oo ku kulmaya magaalada Riyad

 

Axad, December, 09, 2018 (HOL) – Waxaa lagu wadaa in magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga madaxda wadamada Khaliijka, kaa oo noqonaya kulankoodii ugu horeeyay tan iyo wixii ka danbeeyay khilaaafkii soo kala dhax-galay dowladda Qatar dalalka kale oo isku dhac ah.

Waxaa uu noqonayaa kulankan kii 9’aad ee GCC, waxaana loo madalsanyahay in diirada lagu saaro xalinta khilaafka soo jiitamayey ee ka dhaxeeyo, waa hadii sida la filaayo Qatar kasoo qeyb gasho shirkaani.

Khilaafka wadamada Khaliijka ayaa ku bilaawday kadib markii dalalka Sacuudi Carabiya,Bahrain, Emaaraatka iyo Masar ay cunaqabateyn dhan waliba leh kusoo rogeyn dalka yar ee Qatar.

Waxaa ayna ku eedeeyeen in ay taageerto waxa ay ugu yeereyn argagixisada caalamka, balse Qatar ayaa beenisay oo iska diiday eedeymahaasi.

Qatar waa dal yar oo dhaqaalo badan leh waana sababta u sahashay in ay durbadiiba hesho dalal la garab ah oo Khaliijka ka baxsan sida Turkeyga iyo Iran.

Khuburada ka faalooda arrimaha siyaasada Carabta ayaa saadaalinaya in khilaafka wadamada khaliijka uu halkaan kusoo gabagaboobi karo, maadama wax xoogaa biseyl ah ay muujiyeen labbada dhanba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]