Cabdi Xaanshi Cabdullaahi : Waa laga heshiiyay tabashooyinkii maamul gobolleedyada ee Dowladda Federaalka
Axad, December, 09, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha
Golaha Aqalka sare ee dowladda Soomaaliya Cabdi Xaaji Cabdullaahi oo labadii
cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa sheegay in inta badan
laga heshiiyay tabashadii maamul gobolleedyada ee dowladda dhexe.
Gaar ahaan waxaa uu sheegay in
hadda ay harsan tahay oo kaliya in si fool ka fool ah isku soo hor fariistaan
labada dhinac si loo dhameystiro ayuu yiri xalinta khilaafka inta ka harsan.
Guddoomiyaha Aqalka sare iyo
Waftigiis ayaa sacadihii la soo dhaafay kulamo la lahaa madaxda ugu sareysa
dowlad gobolleedka Jubbaland, waxaana kulamadaa intooda badan looga hadlayay
sidii loo soo afjari lahaa khilaafka Jubbaland kala dhaxeeya dowladda
federaalka.
Inkastoo guddoomiyaha Golaha
Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ka dhawaajiyay in la xaliyay khilaafka
labada dhinac, haddana marka la eego Puntland waxaa sii maalmihii ugu
danbeeyayba sii xoogeysanayay eedeymaha ay u jeedineyso dowladda federaalka oo
sida ay mas’uuliyiinta Puntland sheegeen fara-galin ba’an ku heyso arrimaha
doorashada ku soo foolka leh deegaannaddeeda.
Aqalka sare ayaa hadda u muuqda
in uu mid mid u wajahayo maamul gobolleedyada oo si gooni-gooni ah la rabo in
raarido sidii ay meel isaga dhiggi lahaayeen khilaafka loogu-na soo jeesan
lahaa in wada jir loo wada shaqeeyo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]