4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2018
Dekedda Muqdisho oo lagu soo kordhiyay qalab casri ah

Sabti, December, 08, 2018 (HOL)-   Shirkadda maamusha dekedda caasimadda Muqdisho ee Albeyrak ayaa maanta soo bandhigtay qalab cusub oo dekedda lagu soo kordhiyay, kaas oo la sheegay inuu wax badan ka tari doono socdaalka iyo hagidda Maraakiibta waa weyn ee xamuulka sida ee ku soo xirta dekedda.

Xaflad kooban oo soo bandhigidda qalabka loo qabtay, waxaa goobjoog u ahaa Wasiirka Dekadaha  iyo Gaadiidka  Badda Soomaaliya, Wasiir ku- xigeenka Wasaaraddaasi iyo Maamulka shirkadda  Albeyrak.

Maryan Aweys Jaamac , wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay qalabka cusub ee dekedda lagu soo kordhiyay,iyadoo usoo jeedisay shirkadda gacanta ku haysa maamulka dekedda inay ka shaqeyso sidii loo horumarin lahaa dekedda oo ay uga mid noqon lahayd dekedda ugu wanagsan ee gobolka.

Maareeyaha shirkada Albeyrak ,Sami Erol ayaa dhankiisa sheegay in qalabkaan  uu wax badan ka tari doono howlaha shaqo ee ka socda Dekedda, islamarkaan maraakiibta waaweyn ee sida Xamuulka ay ku soo xiran kaaran.

Munaasabadda lagu soo bandhigay qalabka cusub ayaa laga sheegay inay ka howlgalli doonan dhalinyaro Soomaaliyeed oo aqoon u leh  socdaalka iyo hagida Maraakiibta waa weyn ee ku soo xirta dekadda Muqdisho.

Dekedda Muqdisho waa isha dhaqaalaha ugu weyn ee dowladda Soomaaliya,arrinta oo ku qasbaysa maamulka gacanta ku haya dekedda inay ka shaqeeyaan horumarinta dekedda, sida ay sheegtay wasiirka Maryan Aweys.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]