4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2018
Musharrax Cali Xaaji Warsame oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Qardho

Sabti, December, 08, 2018 (HOL)- Musharraxa Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 ,Mudane Cali Xaaji Warsame oo socdaal ku maraya gobollada Puntland ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Qardho.

Boqollaal dadweyne ah ayaa musharraxa iyo waftigiisa kaga hortegay bannaanka hore ee magaalada, waxaana shacabku safaf dhaadheer u galeen siddii Musharraxa xafiiska Madaxweynaha Puntland ,Cali Xaaji Warsame ugu soo dhaweyn lahaayeen degmada dhaqanka ee Qardho.

Musharrax Cali Xaaji, waxaa kalo degmada Qardho ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Karkaar, duqa degmada Qardho iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka degmada ,odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada Qardho.

"Wafdigga ballaaran ee u hoggaaminayo musharrax Cali Xaaji, waxaanu leennahay ku soo dhawoow magaalada Qardho oo ah magaaladaaddii Hooyo.. shacabka reer Qardho oo ilaa saakay magaalada bannaankeeda ku tuuna haddana halkan hogannaya , waxay ku tusinayaan jaceylka iyo walaalnimada ay ku qabaan iyo hoggaankaaga sida ay raalli uga yihiin - Cali Xaaji runtii waa nin muwaadin ah waa nin ka soo shaqeeyay oo waxyaabo badan ka soo qabtay Puntland". ayuu yiri guddoomiyaha degmada Qardho, Cabdi Saciid Cismaan.

Musharraxa xafiiska Madaxweynaha Puntland ,Cali Xaaji Warsame ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa u jeediyay boqollaal ruux ee soo dhaweeyay, ugu horrayn waxa uu uga mahadceliyay sida ay degmada ugu soo dhaweeyeen  shacabka degmada Qardho iyo maamulka degmada.

" Reer Qardho waxaan u ballanqaadaya, Soomaali waxaan u ballan-qaadaya , Puntland waxaan u ballan-qaadaya in alle iyo intaan dadaalli karo inan dadaallo, cadaalad ku dadaallo... inan umadda Puntland aruuriyo , inan isu soo dhaweeyo,  dhaqankooda ixtiraamo, inan ciidan-koodda mujaahidiinta ah xaqooda siiyo, inan ilmahooda waxbarashadii ay lahaayeen iyo xirfadii ay lahaayeen ku dadaallo." ayuu yiri musharrax Cali Xaaji oo ballanqaaday inuusan been u sheegi doonan shacabka Puntland, "Waxaan ballan-qaado waan ka soo baxaya" ayuu raaciyay hadalkiisa.

"Puntland oo gob ah oo tartami karta oo adduunka ka muuqata oo Soomaali magac u ah, oo qof walba codkiisa ku guuleysto, taasan idin ballan-qaadaya". ayuu yiri musharrax Cali Xaaji.

Sidoo kale, musharrax Cali Xaaji Warsame ayaa ugu baaqay madaxweynaha xilka haya ee Puntland, Cabdiweli Gaas in laga doonayo Puntland inuu ugu hiiliyo inuusan khilaaf usoo jiidin oo hanka umadda hoos u dhigin ,"Ninka madaxweyne ku-xigeenkiisa la tashan waayay ma ummadaas ayuu la tashanaya" ayuu yiri Cali Xaaji oo marka ku taliyay in madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay ka wadatashadaan khilaafka u dhaxeeya oo ay soo wada saaran guddi si wadajir ah ay ugu magacaabeen,iyagoo la tashannaya musharrixiinta, guddiga oo ah guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka Baarlamaanka.

Gabagabadii, musharrixiinta ka qaybgalaya doorashada madaxweynaha Puntland ayuu ugu baaqay inay ka wadashaqeeyaan sidii ay doorashada ugu dhici lahayd si xor oo xalaal ah, isagoo dhinaca kalana maamulka ka dalbaday inay ka shaqeeyaan sidii doorashada ay waqtigeeda ugu dhici lahayd.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]