Sabti, December, 08, 2018 (HOL)-Dowladaha Mareykanka iyo Ingriiska ayaa ku eedeeyey Dowladda Siiriya iyo Xulufadeeda ee Ruushka in ay been abuurteen wararka sheegaya in kooxaha falaagada dalkaasi Siiriya ay sunta Kiimikada ah ay u adeegsadeen dad shacab ah,taasi oo ay wax kama jiraan ku tilmaameen.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradaha Arrimaha dibedda ee
Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa lagu sheegay in sheegashada Ruushka iyo
Dowladda Siiriya ee ku aaddan in Mucaaradku ay Sun Kiimiko ah u
adeegsadeen qeybo kamid ah magaalada Idlib ay tahay mid ay ku doonayaan
in ay ku majaxaabiyaan dadaalada xabad joojinta ee halkaasi ka socota.
Ilaa 100 qof oo shacab ah ayaa la sheegay in ay waxyeelo ka soo
gaartay suntaasi oo falaagadu ay u isticmaaleen magaalada Xalab oo ay
dowladdu gacanta ku hayso,waxaana warbaahintu ay soo bandhigeen dad
dhaawacyo qaba oo lagu daweynayo goobaha caafimaadka,arrintaasi oo
Mareykanka iyo Ingiriiskuba ay mowqif ka wada istaageen.
Dowladda Ruushka oo ka jawaabaysa eedeymahaasi ayaa weerar xagga
cirka ah la beegsatay meelaha ay ku sugan yihiin falaagadda dowladda ka
soo horjeeda,iyadoo Mucaaradku ay iska fogeeyeen eedeymahaasi,ayna
sheegeen in lagu baneysanayo weeraro iyaga lagu qaado.
Robert Palladino, oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda
ee Mareykanka ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin weerarada ka
dhacay gudaha dalka Siiriya, islamarkaana ay soo jeedinayaan in la
xushmeeyo baarayaasha caalamiga ah ee madaxa bannaan.
Baarayaal dhanka xuquuqda aadanaha oo fadhigoodi yahay dalka
Ingiriiska ayaa ku sugan Siiriya, waxa ayna xaqiijiyeen in ay arkeen
ilaa 100 qof oo isbitaalada lagula tacaalayo kuwaasi oo neefqabatimoobay
sababo la xiriira duqeymo ka dhacay Xalab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]