4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2018
Garyaqaanka guud ee Puntland oo war ka soo saaray khilaafka Gaas iyo Camey

Jimco,December,07,2018 (HOL)–  Garyaqaanka Guud ee Puntland,Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray maanta wuxuu kaga hadlay khilaafka ka dhashay magacaabiista guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka Baarlamaanka ee u dhaxeeya madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa.

Garyaqaanka Guud ,ayaa sheegay in madaxweyne ku-xigeenka Puntland uusan awood u laheyn inuu magacaabo guddiga xallinta khilaafaadka sida uu Dastuurku qabo.

Qodobbada 80 iyo 81 ee Dastuurka  Puntland ayaa kala caddaynaya awoodaha ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka  Puntland.

Hoos ka akhri qoraal Garyaqaanka Guud ee Puntland;


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]