4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2018
Warbixin : Qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa sanadka sii dhamaanaya ee 2018ka

 

Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Waxaa soconaya saacadihii ugu danbeeyay ee sagootinta sanadka 2018ka oo caawa ku eg, halka dhinaca kale loo diyaar-garoonayo soo dhaweynta sanadka cusub ee 2019ka, sidaa daraadeed waxaa halkan idinku soo gudbin doonnaa qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee sanadkan naga sii dhamaanaya ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya, haddii ay ahaan lahaayeen isbadalladda dhinaca Siyaasada iyo Amaanka intaba.

Haddaba hoose ka Akhriso qaar ka mid ah qodobbadii ugu waaweynaa dhacdooyinkii sanadkan :-

January 04, 2018 - Waxaa xilalka ay hayeen laga qaaday Wasiirada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha iyo Ganacsiga

a) Yusuf Garaad Cumar – Wasiirkii arrimaha dibadda waxaa lag beddelay Danjire Axmed Ciise Cawad oo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka.

b) Cabdi Faarax Juxa - Wasiirka arrimaha gudaha. Waxaa lagu beddelay Injineer Cabdi Maxamed Sabriye oo ahaa ganacsade in mudda ah ku nool dalka Kenya.

c)Khadra Axmed Ducaale -Wasiiradda Ganacsiga. Waxaa lagu beddelay Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo horay u ahaa wasiirka warfaafina.

7 Jannaayo 2018 - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal qaatay 17-cisho ku tagay Puntland iyo Galmudug, safarkaa oo uu ugu magac-daray socdaalkii Nabadda iyo dib u heshiisiinta wuxuu ku tagay magaalooyinka kala ah, Garowe, Dongorayo,Qardho, Carmo, Bosaso, Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusamareeb, Guriceel,Ballanbal,Xeraale,Caabudwaaq iyo Hobyo.

Safarkaasi intii uu ku guda jiray wuxuu dhagax dhigay meelo kala duwan oo dib u dhis, dayactir iyo dhismeyaal cusub laga sameynayo.

Janaayo, 15, 2018 - Waxaa dalka Canada magaalada Toronto ku geeriyootay Allaha u naxariistee Fanaanaddii Weyneyd ee Hobolada Waabari Qadiijo C/llaahi Daleys.

Waxaa ay sanadkii 1936 ku dhalatay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, waxaa ay aheyd fanaanad waddani ah oo jecel Soomaaliweyn,

Janaayo, 21, 2018 - Ciidamo dowladda ayaa la wareegay xarunta dowladda hoose ee gobolka Banaadir, Arrintan ayaa imaneysa kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu xilka ka qaaday Guddoomiye Taabid oo xilkan hayay muddo ku dhow sagaal bilood, iyadoo lagu bedelay Wasiirkii Warfaafinta Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow)

19 Febraayo 2018 - Waxaa Muqdisho la keenay dhallinyaro Soomaali ah oo laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya. Dowladda soomaaliya ayaana guddi u saartay howsha soo daynta maxaabiista Soomaalida ee Libiya ku xiran.

April 9, 2018 - Gudoomiyaha Golahashacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in uu go'aansaday in uu xilka iska casilo xilkii uu hayay, Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in go'aankan uu qaatay si uu burbur uga badbaadiyo Baarlamanka.

Juun 16, 2018 - Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmad ayaa soo gaaray Muqdisho ka dib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya.

Dr Abiy ayay u aheyd markii ugu horeysay ee uu Soomaaliya yimaado tan iyo intii uu la wareegay xilka ugu sareeya Itooobiya, Waxaana garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliy oo uu hogaaminayay Madaxweyne Farmaajo.

October 4, 2018 - Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo horay uga mid ahaa hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab balse ka baxay ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax.

9 Nofembar 2018 Seddex- Qarax oo ah gawaari waxyaabaha qarxa lagu guray waxaa lagu weeraray Hotel Saxafi ee Muqdisho, Al-Shabaab ayaana sheegatay masuuliyadda qaraxyadii Hotelkasi lagu weerary ka dhacay galabta.

27 Oktoobar 2018 Waxaa Muqdisho ka furmay markii ugu horreysay shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC, waxaana ka qeyb galay qaar kamid ah wasiirada arrimaha dibadda iyo wakiilo matalayo dalalka xubinta ka ah ururkan.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo furay shirka OIC ayaa sheegay in shirkan uu albaabada u furi doono dalka Soomaaliya sidii uu ugu tallaabsan lahaa guulo hor leh, isla maalintaa waxaa gaba gabadiisa laga soo saaray warmurtiyadeed ka kooban 20-Qodob.

November, 09, 2018 - Qaraxyo xoogan iyo rasaas is xig xigta ayaa ka dhaceen Muqdisho iyadoo qaraxyada ay ka dhaceen dhismaha hotelka Saxafi oo ka soo horjeeda xarunta danbi-baarista CID-da ee KM4 ee Muqdisho.

Dad u badanaa rayid ayaa ku naf waayay weeraradaasi halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, Iyadoo Mas’uuliyaddana ay sheegatay Al-shabaab.

November 9, 2018 – Ethiopian ayaa markii ugu horreysay duulimaad toos ah ka bilowday magaalada Muqdisho, Diyaarada Ethiopian Airlines ayaa ka mid noqotay duulimaadyada caalamiga ee soomaaliya yimaada.

13 December2018 - Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha dalka Eritrea , Isias Afawarki iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, wasiirro, xildhibaanno, ciidamada qalabka sida iyo dadweyne badan ayaa soo dhoweeyey wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Isias Afawarki.

December 13, 2018 - Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa ciidamo ay ku xireen Sheikh Mukhtaar Roobow isla maalinkaasina waxa loo talaabiyay Muqdisho isagoo maxbuus ah,Doorashadii maamulka KGS waxey ku dhaaftay xabsi

December 13, 2018 Waxaa Muqdisho soo gaaray madaxweynaha dalka Eritrea , Isias Afawarki iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyey Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, wasiirro, xildhibaanno, ciidamada qalabka sida iyo dadweyne badan ayaa soo dhoweeyey wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Isias Afawarki.

December 18, 2018 - Shirkadda Kenya Airways oo ay Dowladda Kenya leedahay ayaa ugu dambeyntii go’aamiyeen inay bilaabaan Duullimaadyadda Tooska ee isku xiri doona Kenya iyo Somalia.

Shirkadda Kenya Airways waxay horey 2 jeer u hakisay Duullimaadyadaasi, oo horey qorshuhu ahaa inuu bilowdo bishii hore ee November 15-dii.

December 19, 2018 - Baarlamanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa doortay madaxweyne cusub, kaddib doorasho laga hor joogsaday, Mukhtaar Roobow.

Wasiiru-Dowlihii hore ee wasaraada Ganacsiga iyo Warshadaha soomaaliya Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa noqday madaxweynaha 2aad ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo wareegii 1aad 147 xildhibaan oo codkooda dhiibtay ka helay 101 ka mid ah, oo ah in ka badan laba meelood saddex meel codadka guud, Waxaa xilkaasi kula tartamayay afar musharax oo kale.

22 December 2018 - Qaraxyo Al-Shabaab ay sheegatay masuuliyadooda oo ka dhacay Muqdisho gaar ahaan isgoyska Tiyaatarka iyo taalada Daljirka,Dad bandan waxaa ka soo gaaray Khasaare dhimasho iyo dhaawac.

December 22, 2018 - Qaraxyo xooggan oo loo adeegsaday gawaari ayaa ka dhacay isgoysyada Tiyaatarka qaranka iyo taalada dajirka daahsoon ee Muqdisho, waxaa halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo Burbur hantiyadeed, Qaraxyadaasi oo ay mas’uuliyaddooda ay sheegteen Al-shabaab waxaa dadka ku dhintay ka mid ahaa Wariye Cwil Daahir Salaad.

23 Febraayo 2018 Inta la xaqiijiyay 15 qof ayaa ku dhimatay laba qarax oo ka dhacay Muqdisho gaar ahaan meelo u dhow madaxtooyada iyo dhismaha ciidammada Nabad Sugidda Soomaaliya.

Qaraxyada waxaa loo adeegsaday gawaari laga buuxiyay waxyaabo qarxa waxaana ka dambeeyay rasaas aad u xoog badan, Mas’uuliyaddana waxaa sheegatay kooxda Al-shabaab.

December 30, 2018 -Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyada dowlada ee sanadka 2019-ka.

Kulanka Golaha shacabka waxaa goob joog ka ahaa 174-Xildhibaan ,Waxaa ogolaaday in la meel mariyo miisaaniyada golaha dhamaan Xildhibaanada kulanka joogay oo ahaa 174-Xildhibaan mana jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]