Madaxweyne Biixi oo Badhasaabkii gobolka Sool iyo ku xigeenkiisii xilkii ka qaaday.
Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta sameeyey isku
shaandheyn kooban oo xilalkii lagaga qaaday badhasaabkii gobolka Sool, ku
xigeenkiisii iyo madbacadii qaranka.
Masuuliyiinta
xilalka laga qaaday waxay kala yihiin Cabdirashiid Xuseen Cabdille
(Gargaar, gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool Maxamuud Axmed Maxamed Shiil,
maareeyihii madbacadda qaranka Siciid Saaalx Shire.
“Sida aad la socotaan, xilka
qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii
hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan
idinka qaado xilkii aad hayseen ee Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka
Sool iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.
Waxaan
idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilka qaranka ee kala ah
Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool iyo Maareeyaha Madbacadda
Qaranka.
Sidoo
kale waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha in uu u kala
wareejiyo xilalka masuuliyiintan heer Gobol iyo kuwa cusub, sida ugu dhakhsaha
badan. “ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
Xilalka
la isku bedelay iyo kuwo cusub ee la magacaabay waxay kala yihiin;
Tir
|
Magaca
|
Xilka
|
1
|
Maxamed Cabdi Gurxan
|
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Horumarinta Maaliyadda
|
2
|
Maxamuud Raage Ibraahim
|
Maareeyaha Madbacadda Qaranka
|
3
|
Cabdiqani Maxamuud Jiidhe
|
Guddoomiyaha Gobolka Sool
|
4
|
Saleebaan Diiriye Cabdi (Joof)
|
Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka
Sool
|
[
1) In laga bilaabo taariikhda
maanta aan mas'uulkan u beddelo xilkan:
Tir
|
Magaca
|
Xilka
|
1
|
Cabdiraxmaan Sheekh Xasan
Ismaaciil
|
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Caddaaladda
|
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.