4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2018
Aqoon isweydaarsi ku saabsanaa sharciga Qaran ee badbaadada dhirta oo Muqdisho lagu qabtay


Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Aqoon-isweydaarsi la xiriiray wadatashiga ansixinta sharciga Qaran ee badbaadada dhirta ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa Aqoon-isweydaarsigan taabagelintiisa gacan ka geysatay heyadda Qaramada u Midoobay u qaabilsan cuntadda iyo beeraha ee FAO, iyadoo uu fuliyay Machadka Soomaaliyeed ee maareynta iyo u adkeysiga Aafooyinka – Somali Disaster Resilience Institute (SDRI).

Masuuliyiin ka socotay Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Xukuumada Somalia iyo wakiilo ka kala socday dowlad goboleedyada, aqoonyahano iyo iyo xubno kale ayaa ka qeyb galay aqoon isweydaarsigan oo si weyn loo soo qabanqaabiyey.

Agaasimaha Machadka SDRI Maxamed Cismaan ayaa ka waramay marxaladihii uu soo maray sharcigan, wuxuuna xusay in Machadka uu qeyb weyn ka soo qaatay iskudubarida sharcigan, ayna tababaro kala duwan siiyeen khubarada Wasaaradda beeraha.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Xukuumadda federaalka Somalia Xaamud Cali Xasan oo isna ka hadlay Munaasabadan ayaa ka waramay muhiimada uu sharciga badbaadada dhirta u leeyahay Qaranka iyo baahida loo qabo.

"Sharcigan in badan bay ka soo shaqeysay Wasaarada beeraha oo kaashaneysa heyaddo kala duwan, wax baddana waan sugaynay hadda wuxuu marayaa heer gebogebo ah, marka aynu talooyinkeena ku biirino wuxuu u gudbi doonaa gacanta goleyaasha Xukuumada iyo baarlamanka oo aan rajaynayo in sanadka cusub ee 2019ka gudihiisa ay ansixiyaan" ayuu yiri Wasiirka oo u mahad celiyey heyadaha FAO iyo SDRI oo gacan weyn ka geystay diyaarinta sharcigan.

Dr. Abdullahi Darmaan oo ah Khabiir ku taqasusay sharuucda beeraha ayaa ka qeyb galayaasha aqoon-isweydaarsiga u faahfaahiyey sharcigan iyo nuxurka uu xambaarsan yahay, isagoo uga jawaabay su'aalo la weydiiyey, waxaana aqoonyahanada iyo ka qeyb-galayaasha aqoon isweydaarsigan ay isku dhaafsadeen doodo iyo fikrado kala duwan oo la xiriira sharcigan.

Xubnaha hadalada qiimaha leh ka jeediyey aqoon-isweydaarsigan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Beeraha Cabdi Axmed (Baafo) Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada beeraha Maxamed Cali Ismaaciil, agaasimaha guud ee Wasaaradas Max'uud Maxamed Max'uud iyo xubno kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]