4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2018
Liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay

Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay magacyada xubnaha cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Guddiga ayaa shaaciyay dhammaan 66da xildhibaan ee ay ka koobanyihiin golaha wakiilada Puntland,iyadoo xubnaha cusub ay haweenku ku leeyihiin kaliya hal xubin.

Baarlamaanka cusub ee Puntland 49 xubnood waa kuwa cusub halka 17 ka kalana ay ka soo laabteen Baarlamaankii hore , guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaannada ayaa sida sheegay.

Ku dhawaaqistan ayaa imaneysa xilli siweyn guud ahaan deegaannada Puntland looga diyaar-garoobayo doorashada madaxweynaha oo ay u tartamayaan musharixiin dhowr ah oo intooda badan hadda ku suganĀ  Garoowe , waxaana musharrixiinta ka mid ah madaxweynaha xilliggan Cabdiwali Gaas.

Hoos ka akhri magacyada xubnaha cusub ee Baarlamaanka Puntland;



Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]