4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2018
Warbixin Cajiib ah : Wariye 44 sano ay dhageysan jirtay Xaaskiisa oo kaliya

 

Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Deke Duncan oo ah 73 jir farsame yaqaan ah, una dhashay dalka Ingiriiska ayaa muddo hadda laga jooo 44 sanno waxaa uu sameystay idaacad ay dhageysan jirtay xaaskiisa oo keliya.

Ninkan oo intaas oo sano aanan heysan dhagestayaal kale oo ku taxan barnaamijyadiisa ayaa haatan isu diyaarinaya in uu ballaariyo dhageeysteyaashiisa, waxaana uu raadiyahiisa ka baahin jiray barnaamijyo madadaalo ah.

Beer uu leeyahay Deke oo ku taalla magaalada Stevenage ayuu na ka bilaabay raadiyaha, oo uu ka ciyaari jiray codad uu duubay.

Hadal heynta Deke Duncan ayaa qabsatay guud ahaan dalka UK, kadib markii telefishanka BBC-da laga baahiyay warbixin ka hadleysa shaqada uu hayay iyo qaabka uu u qaban jiray.

Deke ayaa barnaamijka BBC raadiyo 3 laga siiyay barnaamij gaar ah oo soconaya muddo hal saac ah, loogu na tala galay dhamaadka sanadkaan 2018-ka.

Mr Duncan ayaa sheegay in hamigiisa raadihaya uu biloowday sanadkii 1960-dii, kadib markii uu dhageysan jiray raadiye lagu magacaabi jiray Caroline, waxaana intaa kadib uu sameystay Radio 77 oo agabkiisa laga soo iibiyay dalka Mareeykanka.

Hasayeeshee raadiyehiisa ma uusan lahayn shati uu ku howgalo, sidaa darteed na waxa ay danta ku khasabtay in uu qolkiisa dhigto sameecadaha oo ay dhageysato xaaskiisa Teresa oo keliya. Ninkan ayaa dhamaadka toddobadkasta soo tabin jiray barnaamijyo aan kala go' lahayn.

Deke ayaa ilaa iyo haatan waxa uu wali soo tebiyaa barnaamijka Radio 77 oo xaskiisa oo kaliya ay dhageesato. Hamiga ninkan uu u hayo tabinta raadiyaha ayaa qabsatay dhamaan warbaahinda dalka Ingiriiska oo ay ka mid tahay BBC-da, waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in sidaan looga hadal hayo warbaahinta dalkiisa.

BBC