Isniin, December, 31, 2018
(HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga lagu aasaasayo Hay’adda Naafada
Qaranka oo si gaar ah ugu adeegi doonta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.
Munaasabad ka qabsoontay
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynuhu ku saxiixay
Sharcigan, wuxuuna Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare uga mahadceliyey
ansixintiisa, isagoona xusay inay jiraan 29 Hindise-sharciyeed oo horyaalla
Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay tahay inay meelmariyaan.
“Waxaan rabaa inaan u
mahadceliyo Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lix biloood
gudahood ku soo dhammeeyay shaqadan, waxaana ku dhiirrigelinayaa inay si
dhakhso ah usoo dhammeystiraan Hindise-sharciyada haray oo uu ugu horreeyo
hindise-sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa
horraantii Diseembar ugu baaqay Aqalka Sare inay dedejiyaan
hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka, isaga oo xusay in
dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dadka naafada ah iyo
daryeelkooda.
Munaasabadda uu Madaxweynuhu
ku saxiixay sharcigan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka
iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Guddoomiyayaasha Guddiyada
Xuquuqul Insaanka ee labada Aqal iyo xubno ka socdey Ururrada ay ku midaysan
yihiin Naafada Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]