4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2018
Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Axmed Mayow

 

Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush) iyo Xildhibaan Kheyre Maxamed Axmed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur galbeed oo shalay ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebooka ayaa sidan ku yiri” INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN,Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan qarankaba waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoysaska ay ka baxeen Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Kornayl Ruush) oo ka tirsanaa Golaha Shacabka iyo Xildhibaan Khayre Maxamed Axmed oo ka tirsanaa Barlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho,”

Dhanka kale,Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tacsi u diray Ehalada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush),wuxuuna Alle uga baryay inuu janadiisa ka waraabiyo,ehaladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo.

Mudane Xasan Cali Kheyre,ayaa ku tilmaamay in uu marxuum Axmed Mayow Abdulle uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka,islamarkaana shaqo badan u soo qabtay dalka.

Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle ayaa wuxuu ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad gaar ahaan Golaha Shacabka ,sidoo kale waxa ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]