3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2018
Cabdiweli Gaas oo safar aan la shaacin ku tagey gobolka Mudug

Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Madaxweynaha uu xilka ka dhammaanayo ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilli hore oo saakay ah safar aan horay loo sii shaacin ugu ambabaxay gobolka Mudug.

Warar kala duwan oo safarka laga helay ayaa sheegaya in madaxweynaha uu halka u tagey booqasho la xiriirta qoyskiisa,iyadoo warbaahinta gudaha ay ku warrantay inuu madaxweynaha booqasho ugu tagey Hooyadii oo ku sugan galbeedka gobolka Mudug.

Safarka deg deg ah ee madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadday xilli la filayo galinka dambe ee maanta in la shaaciyo xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub,iyadoo dhaqdhaqaaq arrinata la xiriira laga dareemayo magaalada Garoowe.

Cabdiweli Gaas, oo ah musharrax madaxweynaha ayaa sidoo kale culeys badan kala kulmaya qaar ka mid musharraxiina u tartamaya xilka madaxweynaha, kuwaas oo horey u sheegay inay dadaal ku bixin doonan sidii uu isbeddel uga dhici lahaa Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
12/31/2018 1:15 PM EST
Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Waxaa soconaya saacadihii ugu danbeeyay ee sagootinta sanadka 2018ka oo caawa ku eg, halka dhinaca kale loo diyaar-garoonayo soo dhaweynta sanadka cusub ee 2019ka, sidaa daraadeed waxaa halkan idinku soo gudbin doonnaa qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee sanadkan naga sii dhamaanaya ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya, haddii ay ahaan lahaayeen isbadalladda dhinaca Siyaasada iyo Amaanka intaba.

12/31/2018 11:24 AM EST
Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta sameeyey isku shaandheyn kooban oo xilalkii lagaga qaaday badhasaabkii gobolka Sool, ku xigeenkiisii iyo madbacadii qaranka.

12/31/2018 11:13 AM EST
Isniin, December, 31, 2018 (HOL)-Aqoon-isweydaarsi la xiriiray wadatashiga ansixinta sharciga Qaran ee badbaadada dhirta ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

12/31/2018 11:05 AM EST
Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay magacyada xubnaha cusub ee Baarlamaanka Puntland.

12/31/2018 7:55 AM EST
Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Deke Duncan oo ah 73 jir farsame yaqaan ah, una dhashay dalka Ingiriiska ayaa muddo hadda laga jooo 44 sanno waxaa uu sameystay idaacad ay dhageysan jirtay xaaskiisa oo keliya.

12/31/2018 6:38 AM EST
Isniin, December, 31, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga lagu aasaasayo Hay’adda Naafada Qaranka oo si gaar ah ugu adeegi doonta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

12/31/2018 5:16 AM EST
Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush) iyo Xildhibaan Kheyre Maxamed Axmed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur galbeed oo shalay ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.

12/31/2018 4:26 AM EST
Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Dowlad-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa toddobaadkan inay u noqoto billowga maalmaha doorashada,iyadoo diyaar garow xooggan oo doorashada la xiriira laga dareemayo magaalada xarunta ee Garoowe.

12/31/2018 2:42 AM EST
Isniin, December, 31, 2018 (HOL)-Warar goor dhaw na soo gaaraya ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo lagu magacaabayay Cabdi Maxamed Culusow.

12/31/2018 1:42 AM EST
Isniin, December, 31, 2018 (HOL)-Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu bixinayay Abaalmarinta (Mogadishu Awards 2018), taasoo abaalmarin lagu guddoon-siiyanayay shaqsiyaad iyo Hey’addo wax gal u ah bulshada oo loo gartay in ay yihiin shaqsiyaadka sanadka.

12/31/2018 12:54 AM EST
Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha dalka Bangladesh Sheekh Hasina ayaa mar saddexaad loo doortay xilkaasi ka dib doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday shalay oo Axad ahayd, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka dalkaasi.

12/31/2018 12:38 AM EST
Isniin, December, 31, 2018 (HOL)-Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland looga dhawaaqo liiska xubnaha cusub ee noqonaya Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ee lagu wado in ay soo doortaan madaxweynaha.