4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2018
Sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo goor dhaw lagu dilay Muqdisho

 

Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Warar goor dhaw na soo gaaraya ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo lagu magacaabayay Cabdi Maxamed Culusow.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in sarkaalkan lagu dilay meel aan ka fogeyn Saldhigga  Booliska degmada Waaberi, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ay ku guuldareysteen inay gacanta ku soo dhigaan raggii dilka geystay.

Sarkaalkan ayaa horay uga qeyb qaatay howlgaladii ka dhanka ahaa Al-shabaab ee Muqdisho qeybo ka mid ah looga saaray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]