4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2018
Faroole: Maalintii aan xilka wareejinayay maanta ayay ka liidata Puntland

Axad, December, 30, 2018 (HOL)-  Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa dhaliil kulul dusha uga turay madaxweynaha xilkiisa sii dhamaanaya ahna musharrax Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Waxa uu ku eedeyay in madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas uu ku fashilmay mashaariicdii hormarineed ee Puntland sida kaabayaasha dhaqaalaha siiba saddexdii mashruuc ee ugu weynaa ee ahaa Garoonka Garoowe, Jaamacada Maakhir  iyo waddada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo.

Senator Faroole ayaa ku daray in Gaas uu ku fashilmay xilkii loo igmaday, maanta Puntland ay ka liidato maalintii uu xilka ku wareejiyay.

"Cabdiwali ma fileyn inaad mar kale is sharaxayso....Saadaasha aan hayo masoo laabaneyside bal noo sheeg waxaa nooga tegayso". ayuu yiri Faroole.

Waxa uu inta ku daray in liidashada Puntland intii Gaas hoggaanka hayey ay maanta ku caddahay qiimaha sarrifka doollarka oo maalintii uu xilka Gaas ku wareejinayay doollarku ahaa 23 kun oo shilin maantana uu yahay 38 kun, waxaa kalo uu ku eedeyay in madaxweyne Gaas uu daabacday lacag beenabuur ah, keensadayna makiinad uu lacagta ku daabacdo.

Faroole ayaa sidoo kale baaq u diray guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaannada, isagoo usoo jeediyay inay si cad oo cadaalad ah u dhammeystiraan shaqadooda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]