4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2018
Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka oo galabta ku geeriyooday Muqdisho

 

Axad, December, 30, 2018 (HOL)- Alle ha u naxariistee waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Axmed Mayow Cabdalla (Kornel Ruush)

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo ka hadlay geeriyada xildhibaan Mayow ayaa sheegay in uu u geeriyooday xannuun soo food saaray.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa uga tacsiyeeyay Golaha Shacabka iyo Eheladii uu ka baxay xildhibaanka.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa xildhibaanada golaha Shacabka ee laga soo doortay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]