4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2018
Shirweynihii saxaafadda ee xukuumaddu soo abaabushay oo qodobo laga soo saaray

 

Axad, December, 30, 2018 (HOL)- Shirweynihii qaran ee saxaafada ee wasaaradda warfaafintu soo abaabushay oo socday laba cisho ayaa maanta laga soo saaray sagaal qodob oo khuseeya saxaafadda Somaliland.

Sagaalkan qodob waxa wada jir u saxeexay wasaarada warfaafinta, ururka saxaafada ee SOLJA iyo ururka haweenka ee saxaafadda ee WIJA.

Sagaalkan qodob waxa warbaahinta u akhriyey wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Guri barwaaqo, waxaanay u qornayd sidan:

1. Warbaahintu inay si mug leh ugu dhug lahaato kaalinta muhiimka ah ee ay ku leedahay horumarinta wadaniyada, ilaalinta qaranimada Somaliland, horumarinta iyo wada noolaanshaha bulshada reer Somaliland.

2. In si midaysan looga qaybgallo tobabarta, dhawrida xormadda suxufiga iyo helida dhamaan baahiyaha maqan ee warbaahinta reer Somaliland.

3. In aan si sharciga baalmarsan loo xidhi Karin loona dhibaateyn Karin saxafiyiinta ka hawlgalla warbaahinta kala duwan ee Somaliland.

4. In warbaahinta Somaliland dhan uga soo wada jeesato suxufi kasta oo ku xadgudba qawaaniinta iyo akhlaaqiyaadka warbaahinta Somaliland.

5. In la dadajiyo dhamaystirka xeerka saxaafada Somaliland, iyadoo ay ka wada shaqaynayaan bah wadaagta ay khuseyso hawshani.

6. In warbaahintu ay ciyaarto kaalinteeda ay ku leedahay horumarinta iyo ilaalinta af soomaaliga.

7. waxa shirweynuhu xusay heerarka kala duwana ee ay soo martay warbaahinta Somaliland iyo heerka ay maanta marayso, waxay aqoonyahanka shirweynaha ka soo qaybgalay isla wada qireen in warbaahinta Somaliland samaysay horumar la taaban karo, isla markaana ay jiraan caqqabado u baahan in la waajaho.

8. In saxafada Somaliland ku mushqiilin arrimaha siyaasada oo kaliy ee ay qaadato doorkeeda la xidhiidha arrimaha bulshada ka wacyigelinta bulshada qabyaalada iyo la dagaalanka maan dooreyaasha iyo dhaqan xumidda.

9. In warbaahinta Somaliland aanay fursad siin cid kasta oo waxyeelo u gaysanaysa wada jirka bulshada, nabadgalyada iyo qaranimada Somaliland guddo iyo dibadba.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.