4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2018
Gudoomiyihii rugta ganacsiga Somaliland oo is casilay

 

Axad, December, 30, 2018 (HOL)- Gudoomiyihii Rugta Gancasiga Somaliland Maxamed Shugri Jaamac, ayaa maanta shaaciyey inuu is casilay,isla markaana xilkii gudoomiyenimana ku wareejiyey ku xigeenkiisa.

Gudoomiyaha rugta Ganacsiga Somaliland ayaan faahfaahin sababta keentay is cisiladaasi balse wuxuu ku gaabsaday in hawlo isaga u gaar ah darteed isku casilay.

“Waxaan go’aansaday in xilkii gudoomiyenimo ee rugta ganacsiga aan u hayey sababo aniga ii gaar ah dartood aan iska casilo, guddida maamulka markii aan u bandhigay way iga aqballeen wayna ku mahadsan yihiin”ayuu yidhi Maxamed Shugri gudoomiyihii rugta Ganacsiga Somaliland.

Maxamed Shugri ayaa muddo ku siman sideeed sanno xilkaasi hayey, ka hor-na ahaa gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland