Mas'uuliyiinta Degmada Laascaanood ayaa waxba kama jiraan ku tilmaameen Go'aan gudiga nabadgelyada ka soo baxay
Axad, December, 30, 2018 (HOL)- Fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen
golaha degaanka degmada Laascaanood ayay kaga horyimaadeen go'aan lagu
joojinayo dhismaha qaarkii oo ay gudiga nabadgelyadu shalay soo saareen.
Gabagabdii fadhigaas oo ay saxaafada
la hadleen qaar ka mid ah xildhibaanada degmada Laascaanood ayay ku sheegeen in
go'aankaas uu baalmarsan yahay sharciga aanayna u hogaansami doonin.
Gudoomiyaha degmada Laascaanood
Cabdicasiis Xusseen Xassan ayaa waxa uu dhaleecayn dusha uga tuuray
Gudoomiyaha Gobolka Sool oo uu sheegay in hawlihiisii ay dayacan yihiin isla
markaana uu doonayo in ta dawlada Hoose uu carqalad geliyo.
"Waxay ahayd maanta in la
bilaabo Qorshihii Town Plan-ka magaalada waxaana taas ka horyimi
Gudoomiyaha" sidaana waxaa yidhi Gudoomiyaha isagoo intaas raaciyey in mashaakilaadka
magaalada ka jira oo ay ka mid tahay taageerada doorashada Puntland ee halkan
lagu qabanayo uu waxba ka qaban waayey.
Dhamaan xildhibaanada ayaa fariin u
diray Madaxweynaha Somaliland oo ka cadsaday in uu wax ka qabto Gudoomiyaha oo
ay sheegeen in uu la kowsadey imaanshihiisii amni xumada ka jirta
magaalada Laascaanood.
Dhinaca kale waxaa saaka ka anba
baxay magaalada Laas-caanood Wasiirka Hawlaha Guud oo la filayey in uu xadhiga
ka jaro qorshaynta magaalada Laascaanood taas oo loo qaatay in khilaafka haatan
jiraa uu sabab u noqday inaanay bilaabmin.
Go'aanka khilaafkan sababay ayaa
sheegay in la joojiyey mudo siddeed bilood ah dhismaha dhulka qaarkii iyo ka
garnaqoodaba.
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G Sool