4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2018
Faahfaahin: Abaabul ciidan oo ka socda Jubbaland
Axad, Decebmer, 30, 2018 (HOL)-
Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland ayaa laga dareemayaa diyaargaroow xooggan iyo abaabul ciidan oo ku aadan howlgallo uu madaxweynaha Jubbaland ku dhawaaqay oo la filayo in dhawaaan ay ka bilowdaan degmooyinka iyo deegaanada Jubbaland.

Howlgalladan oo uu madaxweynuhu sheegay in lagu xoreyn doono gobolka J/hoose oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan Maleeyshiyaadka Al-shabaab, sidoo kalena la isku furi doono degmooyinka kale ee ay gacanta ku heyso Jubbaland ee ay Shabaabku hakad geliyeen isu socodkooda dhanka dhulka ah. adagtahay in safar dhulka ah la isugu socdaalo.

Ciidamo ka baxay Kismaayo oo gaaray Afmadow;

Ilaa 8 gaari oo nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamo hubeeysan ayaa shalay ka baxay Kismaayo, ayagoo gaaray degmada Afmadow oo qiyaastii 150 KM dhanka Galbeed kaga beegan Kismaayo, waxaana ciidamadani ay ku tageen safar dhulka ah, ayagoo maray wadada isku xirta Kismaayo iyo Afmadow oo ay hore Maleeyshiyada Al-shabaab u gooyeen, mana jirin weerarro ay ciidamadu la kulmeen socdaalkoodii Afmadow, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Afmadow.

Ciidamada Halkaasi gaaray ayay saraakiishu sheegeen in ay xoojin doonaan ciidamo hore ugu sugnaa degmada Afmadow, waxaana qorshuhu yahay in howlgallada bilaaban doona ay noqdaan laba jiho oo dhanka Kismaayo iyo Afmadow ah.

Madaxweynaha Jubbaland oo xerooyinkooda ku booqday ciidamada

Madaxweyne Axmed Max’ed Islaam ayaa wada kulamo xog wareeysi ah iyo kormeerro uu ku tagayo xerooyinka ciidamada, isagoo ciidamada ku amray in ay diyaargaroobaan, waxa uu sheegay in howlgallada bilaaban doona ay yihiin kuwa socon doona inta Shabaab laga xoreeynayo guud ahaan Jubbaland.

Saaka ayuu booqday mid kamid ah xerooyinka ciidamada Nabadsugidda Jubbaland, isagoo halkaasi kula kulmay saraakiisha ciidamada iyo askarta, waxa uu askarta iyo Sarakiisha ku booriyay in ay laban laaban dadaalkooda iyo u diyaar garoowgooda howlgalada bilaaban doona ee la isugu furayo Magaalooyinka xorta ah islamarkaana Shabaab looga xoreeynayo magaalooyinka ay gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Maleeyshiyaadka Al-shabaab aysan lahayn awood ay ku hor istaagi karaan ciidamadooda, balse loo baahanyahay ka go’naasho iyo howlgallo dhab ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.