4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2018
Dabley dad ku dishay degmada Buuhoodle

 

Axad, December, 30, 2018 (HOL)-Laba qof ayaa ku dhimatay halka loo yaqaan Dhooba-Guduud oo u dhow tuulada Dandan oo ka tirsan degmada Buuhoodle, kadib markii koox dabley ah ay weerar ku qaadeen dabley hubaysan.

Dadkan  la laayey oo ahaa xoola-dhaqato Geel  ku haystey halkaasi ayaa loo  aanaynayaa in ay salka ku hayso xiisad colaadeed oo ka dhalatay nin  gacan ku dhiigle ah oo maalintii sabtidii dabley ay isku hayb yihiin  kala bexeen saldhiga Buuhoodle.
 
Xaalada magaalada Buuhoodle ayaa maanta aad u kacsan in kasta oo aanay weli jirin cid u dhaqaaqday kala qaboojinta xiisadan sida uu suxufi Cali Dhegjar uu u xaqiijiyey HOL, waxaana uu intaas ku daray in laga cabsi  qabo  duulaamo aargoosi oo labada dhinaca isdhaafsadaan.
 
Deegaanka  Buuhoodle ayaa inta badan colaado noocan ah ay ka dhacaan mana jiro  maamul awood leh oo wax ka qaban kara aan ka ahay madaxda dhaqanka oo  iskeed isu xilqaanta.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G Sool