4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2018
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel mariyay Miisaaniyada Dowladda ee sanadkan 2019ka

 

Axad, Decebmer, 30, 2018 (HOL)- Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa fadhiggoodii maanta ee xarunta Baarlamaanka waxaa ay goor dhaw ku meel mariyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019ka.

Xildhibaannada dood ka yeeshay Miisaaniyada ayaa ugu danbeyntii waxaa ogolaaday 174 mudane ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda 2019.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa horay ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2019, oo gaareysa 340 milyan oo dollar.

Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay Miisaaniyadda 55.8% (189.9  Milyan) ka filaysa Gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa  deeqaha dawladda la siiyo.

Meel Marinta Miisaaniyada ayaa horey wadnaha farta uga hayay Wasaarradda Maaliyada, iyadoo marar badan xildhibaannadu ka keeneen dood, mar marka qaar lagu kala qeysamayay. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]