4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2018
Dowladda oo ka jawaabtay cabashada shaqaalaha Isbitaalka Banaadir

 

Axad, December, 30, 2018 (HOL)-Wasiiirka caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dibad baxyo iyo gadood shaqo ay sameeyeen shaqaalaha isbitaalka Banaadir ee Muqdisho.

Guux ka dhashay isbadallagu sameeyay Maamulka Isbitaalka Banaadir ayaa sababay banaanbax cabasho ah in shaqaalaha ay dhigaan, iyagoo eedeen kulul u jeediyay wasaaradda Caafimaadka.

Fowziya Abiikar ayaa warbaahinta u marisay shaqaalaha iyo Maamulkooda in loo baahanyahay degaanaanta iyo xasilooni si aysan hakad u galin howsha Isbitaalka uu hayo.

Waxeyna intaasi ku dartay in aysan jirin shaqaale laga ceyrinayo isbitaalka balse ay isbedal ay ku sameeyeen kaliya maamulka Isbitaalka Banaadir, howshuna ay halkeeda ka sii soconeysa.

Wasiiirka caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar carabka ku adkeysay in dibad bax iyo qeylo dhaan la sameeyo aysan ka leexin doonin qorshaha wasaaradda caafimaadka ee ku aaddan la wareegida isbitaalka Banaadir.

Mar ay dhigeen dibad bax u muuqday mid abaabulan Shaqaalaha isbitaalka Banaadir ayeey ku eedeeyeen wasaaradda caafimaadka musuq maasuq, waxeyna muujiyeen in aysan dooneyn maamul cusub in loosoo magacaabo isbitaalka banaadir.

War qoraal ah oo goor sii horeysay ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir uu ka mid noqonayo xarumaha Caafimaadka ee si tooska ah ay u maamuli doonto Dowladda. 

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]