3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2018
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Mareykan ah oo howlgal ka fuliyay degmada Jilib

 

Axad, December, 30, 2018 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in howlgal ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykan ah lagu qaaday saldhiggii ugu weynaa Al-shabaab ee degmada.

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa sheegay in ciidamada kumaandooska ee Danab iyo kuwa Mareykanka ay qaadeen howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Xarun tababar Al-Shabaab ku lahaayeen Jilib.

Waxaa uu sheegay in howlgalka lagu dilay illaa 30 dagaalame ka tirsan Shabaab oo afar ka mid ah ay ahaayeen ajaaniib, sida uu hadalka u dhigay.

Ma jirto war ka madax banaan sheegashada Taliyaha qeybta 43aad Jen. Bogmadow oo xaqiijinaya howlgalka lagu dilay tirada intaas la eg oo Al-Shabaab ka tirsan.

Hase ahaatee Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa muddooyinkii u  dambeeyay faah faahin ka bixinayay howlagalada iyo weerarada duqeymaha  ee ay ka fuliyaan Soomaaliya, kaasoo lagu bartilmaameedsado Al-shabaab  iyo Daacish.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 

 

 

 
 

 

 













Click here
12/30/2018 4:30 PM EST
Axad, December, 30, 2018 (HOL)- Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa dhaliil kulul dusha uga turay madaxweynaha xilkiisa sii dhamaanaya ahna musharrax Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas

12/30/2018 4:10 PM EST
Axad, December, 30, 2018 (HOL)- Musharrixiinta xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada bisha Jannaayo ee sannadka 2019ka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo la xiriira doorashada.

12/30/2018 3:54 PM EST
Axad, December, 30, 2018 (HOL)- Dr. Cali Ciise Cabdi ayaa maanta kaga dhawaaqay magaalada Garoowe inuu yahay musharrax u tartamaya kursiga madaxweynaha Puntland doorashada dhacaysa siddeeda bisha Jannaayo ee sannadka 2019ka.

12/30/2018 3:17 PM EST
Axad, December, 30, 2018 (HOL)- Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii ugu dambeeyay sannadka 2018, ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka maamulka dakhliga oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda maaliyadda dalka.

12/30/2018 11:29 AM EST
Axad, December, 30, 2018 (HOL)- Alle ha u naxariistee waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Axmed Mayow Cabdalla (Kornel Ruush)

12/30/2018 10:29 AM EST
Axad, December, 30, 2018 (HOL)-Shirweynihii qaran ee saxaafada ee wasaaradda warfaafintu soo abaabushay oo socday laba cisho ayaa maanta laga soo saaray sagaal qodob oo khuseeya saxaafadda Somaliland.

12/30/2018 10:25 AM EST
Axad, December, 30, 2018 (HOL)-Gudoomiyihii Rugta Gancasiga Somaliland Maxamed Shugri Jaamac, ayaa maanta shaaciyey inuu is casilay,isla markaana xilkii gudoomiyenimana ku wareejiyey ku xigeenkiisa.

12/30/2018 10:01 AM EST
Axad, December, 30, 2018 (HOL)-Fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha degaanka degmada Laascaanood ayay kaga horyimaadeen go'aan lagu joojinayo dhismaha qaarkii oo ay gudiga nabadgelyadu shalay soo saareen.

12/30/2018 9:56 AM EST
Axad, December, 30, 2018 (HOL)-Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha gobolka J/dhexe.

12/30/2018 8:20 AM EST
Axad, Decebmer, 30, 2018 (HOL)-Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland ayaa laga dareemayaa diyaargaroow xooggan iyo abaabul ciidan oo ku aadan howlgallo uu madaxweynaha Jubbaland ku dhawaaqay oo la filayo in dhawaaan ay ka bilowdaan degmooyinka iyo deegaanada Jubbaland.

12/30/2018 7:28 AM EST
Axad, December, 30, 2018 (HOL)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar maleeshiyo belleed ku qaadeen gaari uu la socday guddoomiye ku-xigeenkii degmada Matabaan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere ) oo weerarka lagu dilay isaga iyo ilaalo la soctay.

12/30/2018 7:13 AM EST
Axad, December, 30, 2018 (HOL)-Laba qof ayaa ku dhimatay halka loo yaqaan Dhooba-Guduud oo u dhow tuulada Dandan oo ka tirsan degmada Buuhoodle, kadib markii koox dabley ah ay weerar ku qaadeen dabley hubaysan.

12/30/2018 4:49 AM EST
Axad, Decebmer, 30, 2018 (HOL)-Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa fadhiggoodii maanta ee xarunta Baarlamaanka waxaa ay goor dhaw ku meel mariyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019ka.

12/30/2018 4:13 AM EST
Axad, December,30, 2019 (HOL)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay xeer hoosaadka golaha shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay.

12/30/2018 3:46 AM EST
Axad, December, 30, 2018 (HOL)-Wasiiirka caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dibad baxyo iyo gadood shaqo ay sameeyeen shaqaalaha isbitaalka Banaadir ee Muqdisho.

12/30/2018 12:53 AM EST
Axad, December, 30, 2018 (HOL)- Ugu yaraan 22 dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo maalintii shalay ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanka Goofguduud ee gobolka Baay.

12/30/2018 12:28 AM EST
Axad, December, 30, 2018 (HOL)-Waxaa xaaladda degenaasho laga soo sheegayaa deegaanka Kaxandhaale ee xadka gobolka Galguduud uu la wadaago dalka Itoobiya oo labadii cisho ee la soo dhaafay ay ka socdeen dagaallo culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed.

12/30/2018 12:15 AM EST
Axad, December, 30, 2018 (HOL)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in oo Axad ah Taariikhduna tahay 30/12/2018, kulan ku yeeshaan xaruntooda Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.